Deegaano maanta lagu qabanaya doorashooyin ku celis ah

0
654

Waxay maanta doorashooyin ku celis ah ka dhacayaan deegaanka Matungu ee ismaamulka Kakamega,Kabuchai oo ka tirsan Bungoma iyo deegaano hoose oo dhowr ah.
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa sheegay in goobaha codbixinta ay furmeen 6-dii subaxnimo ee maanta.
IEBC ayaa hoosta ka xarriiqay in la sugay amniga goobahan sidoo kalena la geeyay agabka looga hor tago isqaadsiinta cudurka COVID-19 sida afxirka.
Waxaa sidoo kale jiro meelo gaar ah oo loogu talagalay gacmo dhaqashada iyada oo lagu dadaalaya in codbixiyaasha aynan aad isugu dhawaan.
Deegaannada hoose ee dadweynaha ku nool ay maanta dooranayaan wakiillo ku matalo golayaasha hoose ee ismaamuladooda ayaa kala ah Huruma oo ka tirsan Uasin Gishu , Hell’s Gate iyo London oo ku yaalla Nakuru, Kiamokama(Kisii) iyo Kitise/Kithuku oo ka mid ah deegaannada hoose ee ismaamulka Makueni.
Shalay ayay ahayd markii guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC uu warbaahinta u sheegay in uu si buuxda isugu diyaariyay maareynta doorashooyin ku celis ah ee maanta dhacaya.
Xilalkan ayaa banaanaaday ka dib markii ay geeriyoodeen xildhibaanadii ama wakiilladii deegaannadan laga soo doortay.