William Ruto oo ku xigeenkiisa bogaadiyay ka dib doodii xalay

0
467

Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Kenya Kwanza ahna madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa farriin bogaadin ah u diray xildhibaanka deegaanka Mathira ee ismaamulka Nyeri , Rigathi Gachagua oo uu ku xigeenkiisa u soo xushay haddii uu 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan ku guulaysto hoggaaminta wadanka.
Dhambaalka hambalyada ah ayuu Ruto soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka.
Waxaa uu Gachagua ku tilmaamay shakhsi karti leh.
Waxaa uu Ruto qoraalkiisa ku daray in Kenyaanka ay ku kalsoon yihiin Rigathi Gachagua inuu yahay hoggaamiye muddo soo shaqeynayay oo jecel ayna ka go’an tahay inuu guul u soo hooyo isbeheysiga Kenya Kwanza si wadanka uu barwaaqo u gaaro.
William Ruto ayaa farriintiisa kooban ku soo gabagabeeyay inuu Alle u mahadcelinaya oo uuna ku xigeenkiisa guul u rajeynaya isagoo u sheegay inuusan dan ka dhigan warbaahinta.