Baarlamaanka Sri Lanka oo madaxweyne dooranaya

0
260

Xildhibaannada baarlamaanka dalka Sri Lanka ayaa guda galay geeddisocod ay ku soo dooranayaan madaxweyne cusub oo wadankaasi hoggaamin doono.
Codeynta ayaa ah mid qarsoodi ah waxayna ku kala xulanayaan ilaa saddex musharrax.
225 xubnood ayaa codeynta ka qayb qaadanaya sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha golaha xeer dejinta ee Sri Lanka Mahinda Yapa.
Waxaa uu guddoomiyaha ugu baaqay mudanayaasha inay mas’uuliyad muujiyaan oo ay ilaaliyaan habdhaqankooda.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii uu is casilay madaxweynihii Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa oo dalkaasi isaga cararay.