IMF oo ansaxisay 28 bilyan oo amaah ah oo lagu wareejinaya Kenya

0
419

Hay’adda caalamiga ee lacagaha adduunka ee IMF ayaa ansaxisay amaah lacageed oo dhan 28 bilyan oo shilinka dalka ah oo ay ku wareejinayso dowladda Kenya.
Guddiga fulinta ee IMF ayaa ansaxiyay in deyntan oo u dhiganta 235 milyan oo doolar la siiyo Kenya.
Lacagtan ayaa ah qaybtii ugu dambeysay ee Kenya la deymiyo, ka dib heshiis la gaaray horraantii sanadkii hore.
Dhaqaalahan ayaa loogu talagalay in lagu taageero barnaamijyada wax loogu qabanayo dadka dhibaatooyinka u nugul, ka falcelinta cudurka Covid19 oo ay wali saameyntiisu jirto iyo saameynta dhaqaale ee ka dhalatay duullaanka uu Ruushka ku qaaday dalka dariska la ah ee Ukraine.
Si dadka kenyaanka ah looga yareeyo qiimaha shidaalka oo sarreeya, IMF waxa ay ku boorrisay dowladda in ay sidoo kale hirgeliso barnaamijyo lagu taageerayo qoysaska nugul ee danyarta ah.
IMF ayaa sheegtay in dowladda Kenya ay muujisay sida ay kaga go’an tahay xaqiijinta maamul wanaagga iyo dib u habeynta hay’adaha dowliga ah
Horaantii bishii Labaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii hay’adda lacagaha adduunka ee IMF ay wadanka yimaadeen islamarkaana lagu heshiiyay in Kenya la siiyo amaah lacageed oo soconeyso muddo 3 sano ah.
Saraakiishii mataleysay hay’adda IMF ayaa xilligaasi la kulmay wasiirka maaliyadda Ukur Yatani, madaxa bangiga dhexe ee (CBK) Patrick Njoroge, madaxa waaxda adeegga dadweynaha ee dalka Joseph Kinyua iyo mas’uuliyiin kale.