Ku xigeennada musharraxiinta xilka madaxtininmo oo caawa dood loo qabanaya

0
449

Waxaa 6-da maqribnimo ilaa 9:30 habeenimo ee caawa dood loo qaban doona ku xigeennada musharraxiinta xilka madaxtinimo ee dalka.
Dooda waxay dhex maraysa ku xigeenka musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya, Martha Karua iyo dhigeeda Kenya Kwanza Rigathi Gachagua.
Waxaa dooddaan qaban qaabisay ururka mulkiilayaasha warbaahinnada dalka ee (MoA), golaha warbaahinta ee (MCK) iyo dalladda tifaftirayaasha ee Kenya Editors Guild (KEG).
Dhanka kale waxaa uu qorshuhu yahay in 26-ka bishan toddobaad dood loo qabto musharraxiinta xilka madaxweynenimo ee doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.