DHAGEYSO:Maxkamadda sare oo amartay in Sonko loo fasaxo u tartamidda xilka guddoomiyaha Mombasa

0
268

Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ku amartay inuu barasaabkii hore ee Nairobi Mike Sonko u oggolaado inuu 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan u tartamo jagada guddoomiyaha dowlad deegaanka Mombasa.
Waxaa amarkan ku dhawaaqay guddi ka kooban saddex garsoorayaal oo kala ah Olga Sewe, Ann Ong’injo’ iyo Stephen Githinji.
Xaakinnada ayaa sidoo kale guddiga IEBC ku amray inuu aqbalo tallaabadii Sonko loogu soo xushay inuu xisbiga Wiper ku matalo loolanka siyaasadeed ee Mombasa oo magaciisa lagu soo daro liiska rasmiga ee musharraxiinta.
Mike Sonko oo uu matalayay qareenkiisa ,John Khaminwa ayaa maxkamadda u sheegay in IEBC ay tartanka uga hor istaagtay si aan habbooneyn oo sharci darro ah.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii guddiga IEBC uu wargeyska rasmiga ee dowladda uu ku soo daabacay magacyada musharraxiinta u tartamaya xilalka hoggaanka.
Hasa ahaate magaca Mike Sonko ayaan liiska ku jirin maadaama ay jirtay dacwad maxkamadeed oo maanta la soo gabagabeeyay.
Guddiga doorashooyinka ee dalka ayaa tallaabada uu Sonko ugu diiday inuu tartamo u aaneeyay in sanadkii 2020-kii ay xil ka qaadis ku sameeyeen golaha wakiillada ee ismaamulka Nairobi ka dib markii lagu eedeyay musuqmaasuq iyo ku takriifal awoodeed.
Wakiil wareedka warbaahinta Star ee Mombasa Maxamad Cabdi Bootaan ayaa khadka taleefoonka goor sii horreysay ugu warramay Mowliid Maxamad Shuuriye.