Hub looga shakiyay bam gacmeed oo laga saaray bartamaha Nairobi

0
486

Ciidamada ammaanka ee qaabilsan burburinta hubka ayaa lagu soo warramayaa inay aagga loo yaqaano Taveta Lane ee waddada Tom Mboya Street ee bartamaha magaalada Nairobi ka qaadeen hub looga shakiyay inuu yahay bam gacmeed.
Hubka ayaa lagu arkay bannaanka dhismaha loo yaqaano Ebony House halkaasi oo ay xireen booliska si shacabka waxyeello looga badbaadiyo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qalabkaasi la geeyay xarunta waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da si ay baaritaano dheeraad ah ugu sameyaan khuburrada ku takhasusay bambooyinka.