Maxkamadda dalka ayaa madaxii hore ee waaxda maaliyadda Jimmy Kiamba iyo xoghayihii maamulkii barasaabkii koowaad ee Nairobi Evans Kidero oo lagu magacaabo Lilian Ndegwa ku xukuntay min 12 sano oo xabsi ah.
Tani ayaa timid ka dib markii lagu cadeeyay musuqmaasuq.
Garsoore Esther Maina ayaa sheegtay in Mr. Kiamba iyo Ms Ndegwa ay u furan tahay inay bixiyaan ganaax lacageed oo dhan 9.6 milyan oo shilin.
Waaxda dacwad oogidda ayaa sheegtay in intii uu Kidero hoggaaminayay Nairobi , qandaraasyo la bixiyay lagu lumiyay 18 milyan oo shilin.