Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa markale ku celceliyay inuu xafiiska sii joogaya ilaa inta laga dooranaya hoggaan cusub oo talada la wareegto.
Waxaa uu madaxweynaha sheegay in dhaleeceynta iyo eedeymaha kaga imaanaya isbeheysiga Kenya Kwanza aysan saameyn ku yeelan doonin waxqabadkiisa.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka ayaa hadalkan ka sheegay deegaanka Kasarani ee ismaamulka Nairobi, halkaas oo uu si rasmi ah xarigga uga jaray isbitaalka heerka saddexaad ee Mwiki.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in xitaa marka uu dhameysto muddo xileedkiisa uu weli sii joogi doono, maadaama uu weli yahay muwaadin Kenyaan ah iyadoo aan loo eegin inuu xukunka hayo iyo in kale.