Garsoorayaal maanta go’aaminaya dacwad uu gudbiyay Mike Sonko

0
439

Guddi ka kooban saddex garsoorayaal ayaa la filaya inuu maanta go’aan ka soo saaro codsi uu gudbiyay barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi Mike Sonko.
Waxaa uu dacwaddan uga soo horjeestay go’aankii guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee (IEBC) uu ugu diiday inuu 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan u tartamo xilka guddoomiyaha dowlad deegaanka Mombasa.
Qoraal ka soo baxay maxkamadda sare ee dalka ayaa lagu sheegay in dacwaddan la go’aamin lahaa 15-ka bishan balse la soo hor mariyay.
Maxkamadda ayaa go’aankeeda ku dhawaaqi doonto abaare 10-ka barqannimo ee maanta.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii guddiga IEBC uu wargeyska rasmiga ee dowladda uu ku soo daabacay magacyada musharraxiinta u tartamaya xilalka hoggaanka.
Hasa ahaate magaca Mike Sonko ayaan liiska ku jirin maadaama ay jirto dacwad maxkamadeed oo aan weli la soo afjarin.
Guddiga doorashooyinka ee dalka ayaa tallaabada uu Sonko ugu diiday inuu tartamo u aaneeyay in sanadkii 2020-kii ay xil ka qaadis ku sameeyeen golaha wakiillada ee ismaamulka Nairobi ka dib markii lagu eedeyay musuqmaasuq iyo ku takriifal awoodeed.