Waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa wadayaasha baabuurta iyo mootooyinka ku boorrisay inay aad taxaddar u muujiyaan si looga baaqsado shilal.
Baaqan uu soo saaray afhayeenka booliska dalka Bruno Shioso ayaa ku soo aadaya hal maalin un ka dib markii 20 qof ay ku dhinteen shil ka dhacay waddada wayn ee xiriirisa magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa.
Ugu yaraan 13 qof oo dadkan ka mid ah ayaa isla goobta ku nafwaayay halka dhaawaca la geeyay isbitaalka.
Ciidamada booliska ayaa laga soo xigtay inay billaabeen geeddisocod lagu aqoonsanayo dadka shilka ku dhintay oo meydadkooda la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaallada degmada Kinango iyo Voi.
Waxaa uu shilka u dhexeeyay gaadiid dadweyne iyo mid ka mid ah baabuurta xamuulka qaadda.
Mr.Shioso ayaa sheegay in dhacdadaasi ay ku cibro qaadasho u tahay gaadiidleyda.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in waaxda NPS ay sii wadi doonto dhaqangelinta xeerarka taraafikada .
Press Statement on a road traffic accident in Mwembeni area along the Mombasa-Nairobi Highway pic.twitter.com/UIvjmGl6aE
— National Police Service-Kenya (@NPSOfficial_KE) July 8, 2022