DHAGEYSO:Ruto oo Raila ka dalbaday inuu tartanka iskaga baxo

0
318

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa dhaliilay hadal uu dhawaan jeediyay musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga.
Raila ayaa sheegay in haddii guddiga doorashooyinka ee IEBC uunan goobaha codbixinta ku diyaarin diiwaanka caadiga ee codbixiyeyaasha aynan 9-ka bisha soo socoto Kenya doorasho guud ka dhici doonin.
Hasa ahaate William Ruto ayaa hadalkaasi ku tilmaamay mid fadeexaad ah oo khatar gelin karo habsami u socodka codeynta guud.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Nakuru ayuu Raila u sheegay inaysan jirin cid ku qasbaysa inuu tartanka ka qayb galo.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay doorashadii ku celiska ahayd ee sanadkii 2017-kii ee uu Mr. Odinga qaadacay oo mar kale lagu soo doortay isaga iyo Uhuru Kenyatta.

Audio Player