Arday laga afduubtay gobol ku yaala dalka Nigeria oo la soo siidaayay

0
610

Gabdho dhawaan laga afduubtay dugsiga sare ee gabdhaha ee Jangebe, oo ku yaala gobolka Zamfara ee dalka Nigeria ayaa la soo siidaayay.
Waxaa sidatan warbaahinta Al Jazeera u sheegay guddoomiyaha gobolkaasi.
Guddoomiyaha gobolka Zamfara Bello Matawalle ayaa maanta sheegay in gabdhaha ay nabad qabaan islamarkaana wax madax furasho ah laga bixin siideyntooda.
Waxaa uu intaa ku daray in ay bilaabeen heshiis nabadeed kaasoo dhaliyay natiijo wax ku ool ah islamarkaana afduubayaashi aysan qaadan wax madax furasho ah.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in ardayda loo qaaday goob caafimaad si baaritaan caafimaad loogu sameeyo.
Booliska ayaa markii hore sheegay in 317 gabdhood lagu afduubay weerarkii boqolaal dabley ay ku qaadeen dugsiga sare ee gabdhaha ee Jangebe balse Matawalle ayaa u sheegay warbaahinta Al Jazeera in tirada guud ee ardayda la afduubay ay ahayd 279.
Burcadda hubeysan ayaa inta badan qafaasha ardayda yar yar ee Iskuulleyda ah, si ay madax furasho uga qaataan.
Kooxo hubeysan oo ka howlgala gobolka Zamfara ayaa inta badan afduub ka fuliya halkaas, si ay u helaan madax furasho, laakiin markii rag hubeysan ay in ka badan 300 oo wiilal ah ka kaxeysteen Kankara oo deris la ah gobolka Katsina bishii Diseembar ee sanadkii hore, ayaa wararka qaar waxaa ay sheegeen in kooxda Boko Xaraam, oo ka howlgasha waqooyiga-bari ay ka dambeeyeen weerarka.