DHAGEYSO:In ka badan 20 qof oo ku dhaawacmay shil ka dhacay waddada wayn ee Nairobi Expressway

0
367

Ugu yaraan 20 qof ayay dhaawacyo ka soo gaareen shil laga soo tabiyay qaybta lacagaha lagu bixiyo ee Mlolongo ee waddada wayn, Nairobi Expressway.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in baabuur ay leedahay shirkadda Embasava oo si xowli ah loo kaxeynayay uu ku dhacay gaari khaas ah.
Mataatuuda oo uu darawalka xakameyn waayay ayaa ka dib dhowr mar rogmatay xilli ay ku wajahnayd goobta xaruntaasi looga baxo .
Waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa khasaaraha ka dhashay shilka ku xaqiijisay bayaan ay soo saartay.
Waaxda ayaa gaadiidleyda adeegsanaya waddada wayn ee Nairobi Expressway ugu baaqday inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan.
26-kii bishii hore ee June ayay ahayd markii shil kale uu halkaasi ka dhacay waxaa uuna u dhexeyay baabuur si gaar ah loo leeyahay iyo gawaari kale oo badan.
Hal qof ayaa dhacdadaasi ku dhintay iyadoo dhowr kale ay dhaawacmeen.
Dhanka kale shil xalay ka dhacay Mwingi oo ka tirsan ismaamulka Kitu ayaa waxaa ku dhintay labo qof halka 6 kalena ay ku dhaawacmeen ka dib markii uu waddada ka baxay mid ka mid ah baabuurta xamuulka.
Qaar ka mid ah shacabka deegaankaasi ayaa warbaahinta la wadaagay dareenkooda arrintan ku aaddan.