DHAGEYSO:Booliska Soomaaliya oo ku dhawaaqay howlgallo ka dhan ah burcadda iyo ciyaal weerada

0
358

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay howlgallo ka dhan ah kooxaha burcadda dhaca ka gaysata xaafadaha caasimadda Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya gaashanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in laga billaabo maanta magaalada Muqdisho ay ciidamada booliska ka bilaabayaan howlgal lagu ciribtiraayo burcadda.
Waxaa uu intaasi ku daray in cid ala cidii lagu qabto howlgallada caawa billaabanaya in la marsiin doono ciqaab adag, isagoona diginin u diray waalidiinta dhalay shakhsiyaadka dhaca gaysta.

Waxaa uu sheegay in si la mid ah ay tallaabo adag ay ka qaadi doonaan dadka leh moota bajaajta ee ka ijaara shakhsiyaadka shacabka dhibaatada iyo dhaca u gaysto, haddii la soo qabto mootooyinkooda oo fal lagu fulinaayo.

Dhanka kale waxaa uu digniin u diray dadka iibiya iyo kuwa guryahooda lagu iibiyo waxyaabaha maanka dooriya.

Waxaa uu ugu dambeyn shacabka gobolka Banaadir ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, si loo ciribtiro burcadda dhibaatada ka gaysata xaafadaha magaalada Muqdisho.

Maalmihii ugu dambeeyay dad shacab ah ayaa siyaabo kala duwan ay kooxaha burcadda ah ugu dileen Muqdisho, Iyadoo dhanka kalena ay ciidanka Booliska kordhiyeen Howgallada ka dhanka ah shakhsiyaadkan.