Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa gelinkii dambe ee shalay gaaray dalka Turkiga, waxaana soo dhaweeyey wasiirka waxbarashada wadankaasi Mahmt Özer iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga, Jaamac Cabdullahi Caydiid.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo casuummad rasmi ah ka helay dhigiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa waxay ka wadahadli doonaan adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga labada dal ay wadaagaan.
Dhanka kale, madaxtooyada Turkiga oo war kooban soo saartay waxay sheegtay in xiriirka labada dal iyo tillaabooyinka kor loogu qaadayo iskaashiga looga wadahadli doona inta uu socdo kulanka labada dhinac.
“Labada hoggaamiye waxaa sidoo kale la filayaa inay is dhaafsadaan fikradaha ku saabsan horumarka gobolka iyo kuwa caalamiga ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Booqashadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay uu madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud uu ku tago dalka Turkiga, ka dib markii uu xafiiska la wareegay bishii Shanaad ee May ee sanadkan.