FIFA oo qaadday xayiraadii saarnayd xiriirka kubadda cagta ee Pakistan

0
572

Xiriirka caalamiga ee kubadda cagta ee FIFA ayaa meesha ka saaray xayiraad horay loogu soo rogay xiriirka kubadda cagta ee dalka Pakistan ee (PFF).
Tani ayaa la dul dhigay ka dib markii faragelin lagu eedeyay.
Koox uu hoggaaminayo Ashfaq Xuseen Shah oo ay sanadkii 2018-kii maxkamadda ugu sarreysa Pakistan u xilsaartay inay maareeyaan PFF hasa ahaate aynan aqoonsan FIFA ayaa bishii Saddexaad ee sanadkii hore la wareegay xarunta dhexe.
Waxay waajibaadkoodii ka fara maroojiyeen guddiga iskudubaridka arrimaha FIFA ee (NC) ee uu hoggaamiyo Haroon Malik.
Ashfaq Xuseen Shah ayaa guddiga ku eedeyay inuusan muddo 18 bilood ah doorasho qaban.
Hasa ahaate xiriirka caalamiga ee kubadda cagta ee FIFA ayaa si ku meel gaar ah u hakiyay howlaha xiriirka kubadda cagta ee dalka Pakistan ee PFF maadaama uu sheegay in si aan wanaagsanayn xilal loola wareegay.
FIFA ayaa bayaan ku sheegtay inay hadda xaqiijisay in guddiga NC uu dib ula wareegay gacan ku haynta dhismaha PFF oo uuna awood u leeyahay inuu maareeyo miisaaniyadiisa.