Guddiga xuquuqul aadanaha oo doortay guddoomiye ku meel gaar ah

0
245

Guddiga xuquuqul aadanaha ee KHRC ayaa xilka guddoomiyaha ku meel gaarka ah u doortay Davinder Lamba.
Waxaa uu beddelay Prof. Makau Mutua oo uu Raila Odinga u magacaabay afhayeenka ololihiisa doorasho.
Guddiga KHRC ayaa sheegay in Davinder uu muddo dheer xubin ahaa oo uu si wayn ugu soo ololeeyay xuquuqul aadanaha iyo cadaaladda bulshada.
Sidoo kale waxaa uu guddigu sheegay in sarkaalkan oo hoggaaminayay olole loogu magacdaray Operation Firimbi oo looga gol-lahaa in daaha looga qaado falalka musuqmaasuqa iyo khaladaadka dowladda.
KHRC ayaa ah hay’ad madax bannaan oo la aasaasay bishii Afaraad ee sanadkii 1992-kii waxayna u ololeysaa maamul wanaag ku dhisan tixgelinta xuquuqul insaanka.