DHAGEYSO:Howlgal isbaarooyin lagu qaaday oo laga fuliyay waddada isku xirta Muqdisho iyo Cadalle

0
360

Ciidanka Milateriga dowladda Soomaaliya gaar ahaan guutada 4-aad qaybta 27-aad ayaa howlgalo ballaaran oo lagu qaadayay Jidgooyooyin ay burcad dhigtaan ka sameeyay waddada dhinaca xeebta marta ee isku xirta Muqdisho iyo degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Inta uu socday howlgalka ayaa waxaa lagu qaaday Isbaarooyin dhowr ah oo ay burcad hubeysan dhigteen deegaanno iyo tuulooyin hoostaga degmooyinka Warsheekh, Raaga-Ceelle iyo Cadalle, xili waddada maristeeda ay dhibaato ku qabeen gaadiidleyda iyo shacabka.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmad Meyre Makaraan (Axmad Faal) oo hoggaaminayay howlgalka oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in howlgal socday saddex maalmood lagu qaaday Isbaarooyin dhowr ah oo lagu dhibaateyn jiray shacabka iyo gaadiidleyda, islamarkaana looga qaadi jiray lacago sharci darro ah.

Si kastaba waddada dhinaca xeebta marta ee isku xirta Muqdisho iyo degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa Isbaarooyin dhowr ah horay u dhigtay burcad hubeysan, kuwaasi oo gaadiidka safarka ah ka qaadi jiray lacago farabadan oo sharci darro ah.