Ingiriiska oo taageero dheeraad oo militari siinaya Ukraine

0
404

Boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegtay inay dowladda Ukraine siin doonto taageero militari oo dheeraad ah oo gaaraysa 1.2 bilyan oo doolar.
Deeqdan ayaa lagu xoojin doonaa nidaamyada difaaca ee Ukraine iyadoo kumannaan qalab ah la siinaya ciidamada qalabka sida ee dalkaasi.
Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa sheegay inay sii wadayaan taageeridda Ukraine ilaa iyo inta sida uu qoraalka u dhigay uu ka fashilmayo qorshaha Putin.
Garab istaagga dheeraadka ah ee ay UK u fidinayso Ukraine ayaa ku soo beegmaya iyadoo 30-ka xubnood ee gaashaanbuurta NATO ay dowladda Ruushka u aqoonsadeen inay tahay halista tooska ah ee ugu wayn ee amniga reer galbeedka.
Bishii Shanaad ee sanadkan ayay ahayd markii Britain ay shaacisay inay Ukraine ku caawin karto ilaa 1.58 bilyan oo doolar.
Ingiriiska ayaa ilaa iyo hadda sanadkan gudihiisa Ukraine u fidiyay deeq isugu jirta mid militari iyo dhaqaale oo gaaraysa 4.61 bilyan oo doolar.
Gudaha Ukraine ayaa waxaa tan iyo 24-kii bishii Labaad ee sanadkan ka socdo duullaan militari oo uu Ruushku ku qaaday.