William Ruto oo ku baaqay in sida habboon loo shaqaaleysiiyo saraakiisha doorashada

0
363

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ahna musharrax madaxweyne ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay cid kasta oo la shaqeynaysa guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC.
Hasa ahaate waxaa uu shardi ka digay in howlwadeenada maareyn doono codeynta guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan loo shaqaaleysiiyo qaab caddaalad ah oo tartan ku saleysan.
Arrintan ayuu ka sheegay kulan wadatashi ah oo guddiga IEBC uu la qaatay afarta musharrax ee madaxweyne iyo wufuudooda.
Ruto ayaa horay u sheegay in xita Raila Odinga oo uu tartan kala dhexeyo walaalkiis uu noqon karo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka.
William Ruto ayaa ku celceliyay in muhiimaddu ay tahay in saraakiisha doorashooyinka ay noqdaan kuwo ka soo bixi karo shaqada loo igmaday iyagoo aan musharrax gaar ah u daneyn.
Hadalka Ruto ayaa yimid wax yar un ka dib markii wakiilka guud ee Azimio Kanchory Saitabao uu walaac ka muujiyay in saraakiisha maareynaya doorashooyinka ee ismaamullada badankoodu ay hal qowmiyad ah ka soo wada jeedaan.
Hasa ahaate waxaa taasi si degdeg ah gaashaanka ugu daruuray guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC Wafula Chebukati iyo sarkaal sare Cabdi Yacquub Guuliye.
Mas’uuliyiintan ayaa Saitabao u sheegay inuusan siyaasadeyn howlaha guddiga iyo shaqaalahiisa.
Codbixiyeyaal gaaraya 22.1 milyan ayaa la filaya inay sanadkan ka qayb qaataan doorashada guud ee dalka.