Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamad Xijaar oo ka hadlayay kulan ciidamo tababaro loogu soo xiray ayaa sheegay in intii lagu mashquulsanaa doorashadii soo dhammaatay ee Soomaaliya ay soo bateen dhallinyaradii dhaca iyo dhibaatada ka gaysaneysay caasimadda Muqdisho.
Waxaa uu intaasi ku daray in Xeebta Liido iyo meelo magaalada Muqdisho ka mid ah ay ka socota dhaqan xumo, iyadoo dhallinyaro qaar ay anshax xumo awgeed ay guryo uu ijaarteen.
Taliyaha ayaa wacad ku maray inay tillaabo ka qaadayaan kuwa falalkan lugta kula jira.
Dhanka kale wasiir dowlaha wasaaradda amniga ee Soomaaliya Farxaan Cali ayaa sheegay in dad badan ay cabasho arrinkan la xiriirta ka timid.
Waxaa uu carraabka ku dhuftay in booliska laga doonaya inay gacan bir ah ku qabtaan kuwa dadka dhacaya iyo kuwa anshax xumada sameynaya iyo guud ahaan amniga magaalada Muqdisho.