Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah ugu shaqo billaabay Xafiiskiisa oo ku yaalla Gudaha Madaxtooyada Soomaaliya ka dib markii uu shalay xilka kala wareegay Ra’iisul Wasaarihii xilgaarsiinta ahaa ee Maxamad Xuseen Rooble.
Rw Xamse Cabdi oo xilkan loo magacaabay 15-kii Bishan ayaa waxaa xilligan wixii ka dambeeya uu billaabayaa wadatashiyo ku aadan sidii uu u soo magacaabi lahaa Golihiisa wasiirrada, waxaana jira siyaasiyiin xilal haya iyo kuwo horay u soo qabtay oo doonaya inay ka soo hor muuqdaan Golihiisa Wasiirrada.
Mr. Xamse Cabdi Barre oo horay xilal kala duwan u soo qabtay ayaa ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ee lagu doortay magaalada Kismaayo, isaga oo sidoo kale noqday Guddoomiyihii Guddiga doorashadii uu kusoo baxay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmad Maxamad Islaam.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa waxaa horyaalla Shaqooyin dhowr ah oo u baahan in wax lag qabto, sida hagaajinta xiriirka Arrimaha dibadda, Shaqaaleynta dhallinyarada iyo arrimo kale oo muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya.
Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre uu kulamo la qaato saamileyda siyaasadeed ee dalka ka hor inta uusan soo Magacaabin golihiisa Wasiirrada.