Isbeheysiga Azimio oo ballanqaaday inuu xallin doono sicir bararka jira

0
559

Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa Martha Karua ayaa shacabka u ballanqaaday in haddii ay hoggaanka wadanka qabtaan, maamulkooda uu 100-ka cishe ee ugu horreeya hoos u dhigi doono sicir bararka dhanka maciishadda ee hadda wadanka ka jiro.
Waxay hoosta ka xarriiqeen inay tani suurtagal tahay oo uu qorshahoodu yahay inay dhimaan qarashaadka dowladda.
Mr. Odinga ayaa soo jeediyay in xilligaasi ka hor dowladda ay yareyso qarashaadka uga baxa howlaheeda oo ayna keliya mudnaanta koowaad siiso adeegyada aadka muhiim u ah.
Martha Karua ayaa carrabka ku dhufatay inay sameyn doonaan dadaal kasta oo ay awoodaan si ay dadweynaha uga fududeeyaan culeyska nololeed ee haysta.