Shacabka oo loogu baaqay inay caadeystaan dhiig bixinta

0
280

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mutahi Kagwe ayaa dadweynaha ku boorriyay inay caado u noqoto bixinta dhiigga iyagoo aan waxbo dalban.
Waxaa uu sheegay in shakhsiyaadka qaar marka looga baahdo inay dhiig ku deeqaan ay dalbadaan in la siiyo rooti iyo cabitaanka soodhada.
Kagwe ayaa xusay in dhiig bixinta oo arrin caadi ah noqoto ay kaalin ka qaadanayso nolosha dad badan oo dhiig u baahan.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in tani ay xoojinaysa qorshaha caafimaadka baahsan ee (UHC) ee dowladda.
Wasiirka ayaa si gaar ah dhallinyarada uga codsaday inay barnaamijkan ka qayb qaataan.
Waxaa uu sheegay inay jiraan ilaa 6 xarumood oo waawayn oo loogu talagalay dhiig bixinta kuwaasoo ku kala yaalla ismaamullada Mombasa, Nairobi, Embu, Eldoret, Nakuru iyo Kisumu .
17-kii bilood ee ugu dambeeyay waxaa gudaha Kenya laga bixiyay 480,000 booynt oo dhiig ah in kastoo sanadkii loo baahan yahay 500,000 .