Dowladda Soomaaliya oo iska fogeysay eedeyn la xiriirta Xajka oo uga timid Somaliland

0
297

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hor timid eedeyn uga timid Jamhuuriyadda Soomaaliland oo la xiriirta in dowladda Soomaaliya ay isku darsatay tiradii xujayda Somaliland ay xaqa u lahayd iyo toodiiba, hadalkaas oo wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland uu u sheegay warbaahinta shalay.
Sidoo kale Somaliland ayaa sheegtay in sanadkan aynan shacabkeedu qayb ka ahayn dadka xajinaya sababo la xiriira arrintan.
Hasa ahaate, Wasiirka diinta iyo awqaafta ee Soomaaliya Cumar Cali Rooble oo eedayntaasi ka jawaabayay ayaa sheegay in arrinta xajka aan la siyaasadeyn islamarkaana aan lagu qaybsan hab ku saabsan qabiil iyo maamul goboleed toona.