Raila Odinga oo sheegay inuu aqbali doono natiijada doorashada guud

0
282

Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja -One Kenya, Raila Odinga ayaa sheegay in haddii loogaga guulaysto doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan uu oggolaan doono natiijada ka soo baxdo codeynta.
Mr. Odinga ayaa xusay inuu u hambalyeeyn doono musharraxa loolanka uga adkaada.
Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa horay dhowr mar Odinga uga dalbaday inuu Kenyaanka u xaqiijiyo go’aanka uu qaadan doono haddii uunan tartanka madaxtinnimo ku soo bixin.
Madaxa xisbiga ODM ayaa horay ugu gacan seyray natiijooyin ka soo baxay doorashooyin guud waxaana ka mid ahaa kuwii sanadihii 2007-dii iyo sanadkii 2017-kii.
Dhanka kale Raila Odinga ayaa madaxweyne ku xigeenka dalka ahna musharraxa madaxweyne ee xisbiga UDA William Ruto ka dalbaday inuu is casilo.
Waxaa uu sheegay sida uu hadalka u dhigay in Ruto uu u dhaqmayo qaab labo wajiilennimo ah maadaama uu dhaliilo u jeediyo maamulka Jubilee ee uu ka tirsan yahay.
Raila oo arrintan ka hadlay xilli ay isaga iyo ku xigeenkiisa Martha Karua bixiyeen wareysi wadajir ah ayaa William Ruto ugu baaqay inuusan sare u kaca maciishadda ee jiro ku eedeyn madaxweyne Uhuru Kenyatta.