QM:Syria waxaa lagu dilay in ka badan 300,000 oo shacab ah

0
426

Qaramada Midoobay ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in tobankii sano ee ugu horreeyay ee ay socdeen dagaallada dalka Suuriya in halkaasi lagu dilay 306,887 qof oo shacab ah.
Sidoo kale waxaa dilal loo gaystay in ka badan 100 qof oo xabsiyo ku jiray.
Arrimahan ayaa waxaa warbixin ku soo bandhigtay isku duwaha xuquuqul aadanaha ee qaramada midoobay Michelle Bachelet.
Waxay hoosta ka xarriqday in dilalkan la diiwaangeliyay intii u dhexeysay 1-dii bishii Saddexaad ee sanadkii 2011-kii ilaa 31-dii bishii Maarso ee sanadkii hore 2021-kii.
Haweeneydan ayaa xustay in tiradan aynan ahayn macluumaad fudud oo keliya la soo bandhigaya balse nolosha boqolaal kun oo qof oo la soo afjaray.