Muhaajiriin laga soo badbaadiyay badda Libya

0
660

Waxay faahfaahino dheeraad ah ka soo baxayaan howlaha samata bixinta ka dib markii doon siday muhaajiriin ay ku degtay xeebaha dalka Libya.
Ku dhowaaddhawaad 100 muhaajiriin ah ayaa laga soo badbaadiyay xeebta galbeed ee dalka Libya.
Ciidamada ilaalada xeebaha Libya ayaa badbaadiyay muhaajiriintaan oo u badnabadnaa Afrikaan badankoodu ka tagay dalalka Cameroon, Suudaan iyo Mali.
Waxaa Muhaajiriinta la badbaadiyaay iyagoo isku dayayo inay u gudbaan dalalka Yurub,
Muhaajiriinta la badbaadiyaay ayaa la geeyay saldhig ay ciidamada badda ee Libiya ku leeyihiin magaalada caasimadd ee Tripoli.
Waxaa ay halkaas kula kulmeen koox ka socota hay’adda socdaalka adduunka ee IOM.
Dadka badbaaday ayaa waxaa ku jiray lix haween ah iyo labo carruur ah
Laba qof oo xaaladoodu liidato ayaa loo qaaday isbitaalka magaaladaasi halka ku dhawaad 20 qof oo kale la la’yahay.
Sida ay sheegtay hay’adda socdalka ee IOM in ka badan 1,200 oo muhaajiriin iyo magangalyo-doon ah ayaa ku dhintay badda Mediterranean-ka sanadkii hore ee 2020-kii.