Waxaa dib u dhis lagu billaabay suuqa wayn ee suuq Mugdi ee magaalada Garissa oo maalmo ka hor uu dab baabi’yay, ganacsato badana ay hantidoodii halkaasi ku burburtay.
Ganacsatada suuqaasi ayaa guddiga iyo guddoomiyaha suuq Mugdi ku eedeynaya in aysan soo gaarsiin lacagihii loogu talagalay in la siiyo dadkii uu saameeyay dabka.
Dhanka kale guddiga suuq Mugdi ayaa iska fogeeyay eedeymaha loo soo jeediyay.