Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka oo digniin u diray burcadda

0
350

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi ayaa digniin adag u diray kooxaha burcadda ee gaysta falal dambiyeedyada.
Waxaa uu ku dhawaaqay howlgal culus oo ka dhan ah shakhsiyaadka dhibaateeya dadweynaha.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay koox dhibaatooyin badan ka fulisay ismaamulka Nakuru isagoo xusay in ciidamada ammaanka amar lagu siiyay inay burcaddaasi la tacaalaan.
Wasiirka ayaa dhanka kale kenyaanka u xaqiijiyay in saraakiisha amniga ay heegan sare ku jiraan ka hor doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.