Xaaladii degdegga ahayd ee dalka Ecuador oo la qaaday

0
346

Madaxweynaha dalka Ecuador ,Guillermo Lasso ayaa meesha ka saaray xaalad degdeg ahayd oo horay loogu soo rogay 6 gobol.
Tani ayaa timid iyadoo kooxaha isku tilmaamay inay qadiimi ku yihiin wadankaasi ay dibadbaxyo dhigayaan.
Dhanka kale xeer dejiyaasha Ecuador ayaa billaabay inay dhageystaan mooshin uu mucaaradku ka gudbiyay madaxweynaha oo uu ku doonayo in xafiiska uu baneeyo.
Sidoo kale waxaa uu markii ugu horreysay wada hadal u furmay dowladda dalkaasi iyo mudaharadayaasha.
Labo toddobaad ka hor ayay ahayd markii ay billowdeen dibadbaxyada lagu dalbanaya in dowladdu ay yareyso qiimaha shidaalka loo adeegsado matoorrada , in la xakameeyo qiimaha dalagga beeraha sidoo kalena miisaaniyad badan loo qoondeeyo waxbarashada.