Ku dhawaad 2,000 oo arday ah oo baran doono macallinimada

0
268

In ka badan 1,800 oo arday ah ayaa sanadkan ku biiraya machadyada lagu barto culuunta macallinimada ee wadanka.
Ardaydan ayaa waxaa fursadda siisay laanta dowladda u qaabilsan maareynta hannaanka ardayda dhameeyay dugsiyada sare ay ugu kala biiraan machadyada iyo jaamacadaha wadanka ee (KUCCPS)
Waxaa arrintan shaaca ka qaaday wasiirka wasaaradda waxbarashada Prof. George Magoha.
Wasiirka ayaa xusay in qorshahan looga gol-leeyahay in sare loo qaado tirada barayaasha ee wax ka dhiga dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare .
Tani ayuu sheegay inay door wayn ka qaadan doonto in lagu guulaysto dhaqangelinta manhajka CBC ee la aaminsan yahay inuu ardayda ka dhisaya dhanka xirfadaha.