Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa qalinka ku duugay xeer wax laga beddelay oo ku saabsan adeegsiga hubka.
Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay midii ugu waynayd muddo 30 sano ah.
Waxay ku soo beegmaysa iyadoo dhawaan gudaha Maraykanka ay ka dhaceen falal ay saameyn uga dhalatay isticmaalka hubka maadaama la gaystay toogasho wadareed.
Dhacdooyinkan ayaa waxaa ka mid ahayd midii lagu dilay 19 arday iyo labo macallin dugsi hoose oo ku yaalla gobolka Texas.
Biden ayaa sheegay in xeerka uu saxiixay uu kaalin muhiim ah ka qaadan doono badbaadinta nolosha muwaadiniinta dalkaasi.