Wasiirka tacliinta oo ku baaqay in la xaqiijiyo dhammaan shahaadooyinka Degree

0
304

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa soo jeediyay in dabagal xaqiijin ah lagu sameeyo dhammaan shahaadooyinka jaamacadeed ee heerka Degree-ga ee kenyaanka.
Tani ayaa timid ka dib markii shakhsiyaadka qaar lagu eedeyay inay adeegsanayaan shaaadooyin faalis ah.
Magoha ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Migori xusay inaysan suurtagal ahayn in qofka uu Degree ku qaato 6 bilood ama labo sano.
Hasa ahaate waxaa uu ka digay in xaqiijinta shahaadooyinka tacliinta la siyaasadeeyo isagoo sida uu hadalka u dhigay aynan tani ahayn arrin ay maxkamaduhu go’aamin karaan.
Wasiir Magoha ayaa ku celceliyay in arrintan ay ka mid tahay waajibaadka shaqo ee guddiga tacliinta sare ee (CUE).
Dhawaan ayay ahayd markii senatarka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja lagu qabsaday aqoontiisa jaamacadeed in kastoo markii dambe la beri yeelay.
Dhanka kale wasiirka waxbarashada ee Kenya ayaa sheegay inaysan jirin caqabad dowladda ka haysato dhaqangelinta manhajka waxbarasho ee CBC.