Raila Odinga oo IEBC ka dalbaday inay faahfaahiso arrimo ku saabsan codeynta

0
404

Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio la Umoja- One Kenya ,Raila Odinga ayaa doonaya in guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC uu kenyaanka u xaqiijiyo in la isku haleyn karo qalabka codeynta oo aynan cillad ku imaan doonin.
Waxaa uu su’aal geliyay sababta IEBC ay u go’aansatay in aan la isticmaalin diiwaanka caadiga ee codbixinta haddii lacala midka elektorooniga ah uu shaqeyn waayo.
La taliyaha dhanka sharciga ee Odinga ,Paul Mwangi ayaa IEBC weydiiyay inay faahfaahiso go’aanka ay arrintan ka qaadatay.
Doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ayaa la filaya inay ka qabsoonto 46,000 oo ah goobaha codbixinta guud ahaan dalka.