Aqalka sare oo ansaxiyay in dowladda ay qaadan karto 10 Tiriliyoon oo amaah ah

0
527

Aqalka sare ee dalka ayaa meel mariyay soo jeedin uga timid wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta howlaha qaranka oo ah in dowladda dhexe loo oggolaado inay waddamada kale iyo hay’adaha maaliyadda ka qaadato deyn lacageed oo dhan 10 Tiriliyoon oo shilin.
Siyaasiyiinta labada dhinaca ayaa ku kala qaybsamay arrintan iyadoo xulafada madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ay sheegeen in tani ay caqabad ku tahay kenyaanka oo hadda ka cabanaya sicir barar nololeed.
Hasa ahaate senatarrada taageersan madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyaha ODM Raila Odinga ayaa ku dooday in ansaxinta arrintan aynan saameyn lahayn haddii amaahda loo adeegsanayo qorshaha loogu talagalay oo ah fulinta mashaariic horumarineed.
Waxaa arrintan codkooda ku taageeray 27 senatar halka 3 ay ka soo horjeesteen.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii xubnaha baarlamaanka dalka ay kordhiyeen qiimaha amaahda ee ay qaadan karto dowladda taasoo ahayd 9 tiriliyoon oo shilin.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Amos Kimunya ayaa xilligaasi sheegay in wasaaradda maaliyadda ay u suurtageli doonto inay soo amaahato lacag dhan 846 bilyan si loo kabo gaabadka sanad miisaaniyadeedka billaabanaya 1-da bisha Toddobaad.