DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay go’aan ka gaareyso xirnaanshaha Mukhtaar Roobow

0
364

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamad Nuur (Madoobe) ayaa ka hadlay mowqifkiisa ku aadan xirnaanshaha Mukhtaar Roobow oo u xiran dowladda & sida dowladda Soomaaliya ay ka yeeleyso xariggiisa.
Guddoomiyaha oo isaga oo ku sugan Magaalada Nairobi oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinnada Somaaliyeed ayaa sheegay in ka guddoomiye ahaan uu horay u caddeeyay mowqifkiisa, islamarkaana Mukhtaar Roobow ay xirtay dowladdii uu hoggaaminayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo.
Waxaa uu intaasi ku daray in Roobow uu ahaa Nin leh hami siyaasadeed si uu u hoggaamiyo Maamulka Koonfur Galbeed, hayeeshee iyada oo aan wax maxkamad ah oo dambi ku haysata la soo taagin uu u xiran yahay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamad Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka tashan doonto xariggiisa, islamarkaana dhawaan ay go’aan ka gaari doonto.

Horraantii Bishi 12-aad ee sanadkii 2018-kii ayaa dowladdii uu hoggaaminayay Maxamad Cabdullaahi Farmaajo waxaa ay Magaalada Baydhabo ka soo xirtay Mukhtaar Roobow oo xilligaas ahaa musharrax Madaxweyne ee maamulka Koonfur Galbeed.
Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka jawaabay waxa laga yeelayo kursiga  tiirsigiisu yahay #086 ee uu ku guuleystay agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA Fahad Yaasin Xaaji Daahir kaas oo kursigiisa la laalay.