Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo markale la kulmaya midowga musharaxiinta

0
743

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa waxaa la filayaa in Maanta uu Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ah kulan kula qaato markale Xubnaha Midowga Musharixiinta ee Madaxweynaha Soomaaliya u taagan.
Kulanka ayaa daba socda kulankii dhawaan uu la qaatay ee heshiiska ay ku wada gareen, Ra’iisul Wasaaraha, Midowga Musharixiinta iyo Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug & Hir-Shabeelle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, kaasoo lagu dejinayay xaaladda Magalada Muqdisho.
Wararka la helay ayaa waxaa sheegayaan in kulanka looga hadli doono kaalinta ay Midowga Musharixiinta ku yeelan doonaan wada-hadallada al xiriira arrimaha doorashooyinka ee ku saabsan dhameystirka & dhaqangelinta heshiiskii 17-kii bisha Sagaalaad ee Sanadkii hore ee arrimaha doorashooyinka looga go’aan gaaray.
Kulankii ay dhawaan Muqdisho ku yeesheen Ra’iisul Soomaaliya & Midowga Musharixiinta ayaa waxaa aad u soo dhaweeyay Beesha Caalamka iyo Shacabka Soomaaliyeed maadaama Lagu dajiyay Xilligaas Xaaladdii Magaalada Muqdisho iyo siyaasadii aadka u kala fogayd.
Beesha Caalamka oo dhowr jeer kulan la qaadatay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaay ka dalbadeen inuu qaato doorkiisa ku aadan wada-hadallada mucaaradka iyo hirgelinta doorashooyinka Qaranka si wadanka ay uga dhacdo doorasho xor iyo Xalaal ah.