Waaxda dacwad soo oogidda dalka ayaa lagu wadaa in ay toddobaadkan shacabka la wadaagto macluumaad ku saabsan maaraynta kiisaska kala duwan.
Sida lagu sheegay qoraal la soo dhigay barta rasmiga ee Twittarka waaxda ODPP ,waxay sidoo kale sharaxaad ka bixin doontaa muhiimadda ay leedahay in nidaamka cadaaladda laga dhigo mid dijitaal ah.
ODPP ayaa soo saartay qaabka la doonayo in loo diiwaangeliyo warbixinadda la xiriira falal dambiyeedyada , geeddisocodka baaritaannada, howlaha maxkamadeynta iyo go’aamada ka soo baxo.