Guddoomiyha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka Wafula Chebukati ayaa sheegay in hadda baaritaano lagu hayo saddex sarkaal oo la qabtay kuwaasoo lagu eedeynaya inay kaalin ka qaateen codbixiyeyaal si aan nidaam ahayn looga wareejiyay goobihii ay ka codeyn lahayeen.
Waxaa uu sheegay in magacyada howlwadeennada lagu wareejin doono hay’adaha dambi baarista si dacwad loogu soo oogo.
Mr. Chebukati ayaa sheegay in tallaabada noocani ah laga diiwaangeliyay 10 ismaamul oo ay ka mid yihiin Nairobi, Mandera, Nyeri iyo Wajeer tani oo saameysay in ka badan hal milyan oo codbixiyeyaal ah.
Sidoo kale madaxa fulinta ee IEBC Xuseen Marjaan ayaa sheegay in ilaa 4,000 oo codbixiyeyaal ah dacwad lagu soo oogi doono haddii lagu caddeeyo inay labo mar iska diiwaangeliyeen goobaha codbixinta .
Marjaan ayaa carrabka ku adkeeyay in ilaa iyo hadda IEBC ay xallisay boqolkiiba 59 ee khaladaad jiray oo ahaa 4,757 hasa ahaate magacyada shakhsiyaadkan lagu wareejin doono maamullada dowladda si loo ogaado sababta ay in ka badan hal mar isku diiwaangeliyeen.