Mututho:Wajackoya waa uu ka been sheegayaa sharciyeynta Xashiishka in dhaqaalo badan laga helayo

0
349

Guddomiyihii hore ee maamulka qaran ee qaabilsan la dagaalanka isticmaalka daroogada ee loo yaqaano Nacada John Mututho ayaa sheegay in soo jeedinta musharraxa madaxweyne ee Prof. George Wajackoya ee ah sharciyeynta daroogada Xashiishka ay tahay mid aan shaqayneyn oo sharci darro ah.
Waxaa uu Mututho sheegay inaysan suragal ahayn fikradda ah in sharciyeynta daroogada Xashiishka gaar ahaan midda loo yaqaano Marijuana ay wax ka qaban doonto dhibaatooyinka dhaqaale ee dalka ka jira.
Musharraxa madaxweyne ee xisbiga Roots, Prof. George Wajackoya ayaa horraan sheegay inay sharciyeyn doonaan xashiishka si looga helo faa’iidooyin dhaqaale iyo kuwo caafimaad.
Waxaa uu xusay in ka ganacsiga daroogada uu dalka ka xoreyn karo deymaha uu shisheeyaha ku leeyahay.
Guddomiyihii hore ee maamulka Nacada ayaa sheegay in waddamada sida Jamaica iyo Itoobiya ee sharciyeeyay mandooriyahan ay soo food saartay xitaa xaalad dhaqaale oo aad daran.
Waxaa uu xusay in soo jeedinta sharciyeynta daroogada Xashiiska ay dhallinyaro badan ku riixayso inay ku dhiiradaan isticmaalka maandooriyahan.