DHAGEYSO:Howlgalo dad lagu qabqabtay oo Dhuusamreeb ka dhacay

0
644

Ciidamo isugu jira Booliis iyo Nabadsugid ayaa howlgallo ka fuliyay Xaafado ka tirsan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.
Howlgalka oo socday toddobaadyadii lasoo dhaafay ayaa waxaa horay si wada jir ah u iclaamiyay Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalim Fiqi iyo Saraakiisha qaybaha kala duwan ee Ciidamada waxaana laga Sameeyay gudaha iyo duleedka Magaalada Dhuusamareeb.
Intii uu socday howlgalka oo ay hugaaminayeen Taliyaha Saldhiga Booliiska Dhuusamareeb G/le Maxamed Mire Maxamuud iyo Taliyaha Cusub ee dhawaan loo magacaabay Ciidanka Nabada magaladda Dhuusamareeb Gaashaanlle Cabdishakuur Daahir Ducaalle (Golongolo) ayaa lagu baarayey gaadiidka kala duwan ee isticmaalla wadooyinka Xaafadaha iyo bartamaha laamiga ee Caasimada Dhuusamareeb.
Taliyaha Saldhigga Booliiska ee Dhuusamareeb G/le Maxamed mire Maxamuud oo howlgalka ka dib warbaahinta kula hadlay Gudaha Saldhigga ayaa ka warbixiyay shaqada Amaan xaqiijinta aheyd oo uu sheegay in ay Socotay maalmihii lasoo dhaafay siina wadi doonaan howlgalka iyaga oo la kaashanaya Hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka qaranka.

Howlgalkan ayaa waxaa uu kusoo aadaya xilli wasiirka Amniga Galmudug uu Amray Saraakiisha qaybaheeda kala duwan in la qaado talaabo iyo Howlgalo Amniga lagu xaqiijinayo kuwaasi oo laga sameynayo guud ahaan Deegaanada Galmudug.