DHAGEYSO:Ruto: Meel kasta oo dalka ka mid ah ayaan tagayaa xita hadii dadka qaar aynan jecleysan

0
449

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo shalay tagay ismaamulka Murang’a ee gobolka bartamaha dalka ayaa sheegay in socdaalka uu ku tago deegaannada kala duwan ee wadanka aynan farxad gelin shakhsiyaadka qaar.
Waxaa uu mar kale dadweynaha ku nool ismaamulkaas uga mahad celiyay in sanadihii 2013-kii iyo 2017-kii ay u codeyeen isaga iyo madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
William Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in ay jiraan waxyaabo dhanka horumarka ah oo u suurtagalay dowladda dhexe iyo kuwo hadda gacanta lagu hayo .
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa xusay in mas’uuliyad dastuuri ah ay ka saaran tahay fulinta ballanqaadyadii uu sameeyay maamulka Jubilee sidaas awgeedna aynan jirin cid ka hor istaagi karto inuu tago gobol ka mid ah dalka.