In ka badan 1,000 geed oo lagu beeray Malindi

0
316

Waxaa deegaanka Malindi ee ismaamulka Kilifi oo ka tirsan gobolka xeebta ee wadanka lagu beeray qiyaastii 1,000 geedo ah.
Meelaha geedahan lagu abuuray waxaa ka mid ah saldhigga booliska ee Malindi iyo agagaarka dudummada Mwangea ee degmada Ganze .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in barnaamijka geedo abuurka ay ka qayb qaateen shirkadda Talal Safaris Wildlife,Optiven , bangiyada Equity ,Cooperative iyo waaxda adeegga duurjoogta wadanka ee KWS.
Isku duwaha qaran ee shirkadda Talal Safaris Mr. Anthony Muema Kang’ata ayaa sheegay in arrintan ay ka qayb geliyeen carruur si xilli hore loogu dhiirigeliyo ilaalinta deegaanka iyo muhiimadda dhirta.
Kang’ata ayaa sheegay in Kenya ay soo gaartay caqabad dhanka deegaanka ah oo la doonayo in wax laga qabto.