Guddoomiyaha ismaamulka Kitui , Charity Ngilu oo la filayay inay 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan mar kale u tartanto xilka ay hadda haysa ayaa sheegtay inay go’aankeedi hore wax ka beddeshay.
Tani ayay u aaneysay inay doonayso ka shaqeynta awoodsiinta dumarka wadanka oo heer qaran ah.
Waxay si gaar ah carrabka ugu adkeysay inay xoogga saarayso dhanka dhaqaalaha ee haweenka.
Madaxa xisbiga Narc , ayaa intaasi ku dartay inay in ka badan 30 sano ka dhex muuqatay saaxadda siyaasadeed ee dalka sidaas awgeedna ay jecleysatay inay fursad siiso hoggaamiyaasha kale.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya, Raila Odinga uu sheegay inuu Ngilu xil qaran u dhiibi doono haddii uu loolanka hoggaamineed ku guulaysto.