Ra’iisul wasaaraha cusub ee magacaaban ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shaaca ka qaaday ballanqaadyo muhiim ah oo la xariira wax ka qabashada xaaladda dalka iyo hirgelinta mid ka mid ah rajooyinka ugu waaweyn madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaa uu ugu horreyn ballanqaaday inuu soo dhisi doono Xukuumad tayadeedu sarreyso oo isbeddel dhab ah sameyn karta, isagoona sheegay inuu har iyo habeen u taagnaan doono gudashada waajibaadka qaran ee loo igmaday.
“Arrimaha waaweyn ee dalka iyo dadka horyaalla ee kow ka tahay Xasilooni siyaasadeed sidii loo abuuri lahaa oo Amniga loo sugi lahaa, Abaaraha daba dheeraaday sidii xal waara looga heli lahaa iyo sidii Dastuurka qudhiisa daba dheeraaday ee muddada dheer soo jiitamaayay dib u eegistiisa lagu soo gabagabeyn lahaa” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu xoogga saari doono arrimaha waaweyn ee horyaalla Xukuumada uu soo dhisi doono oo ay ka mid tahay Wadahadalka Soomaaliland sidii looga gun gaari lahaa iyo sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha, si dhallinyarada loogu sameeyo shaqo abuur wanaagsan.
“Waxaa iga go’an sidii loo hirgelin lahaa halku dhiga wayn ee ballaaran ee Soomaalida oo dhan wada ogtahay ee ah Soomaali Heshiis ah oo Dunidana Heshiis la ah, intaas oo dhan waxay u baahan tahay dadaal iyo juhdi dheeraad ah” ayuu sii raaciyay
Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ah shakhsi ay horay u soo wada shaqeeyeen muddo dheer madaxweynaha markii labaad dib loogu doortay hoggaanka dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laga sugaya soo dhisidda Xukuumaddiisa cusub iyo inay la timaado waxqabad dhab ah.
Home Wararka Soomaaliya Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya oo sameeyay ballanqaadyo muhiim ah