Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ahna guddoomiyaha Jaaliyadda Bariga Afrika ee EAC ayaa dalbaday in si degdeg ah loo joojiyo colaadda ka taagan jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC.
Waxaa bariga wadankaasi ku dagaallamaya kooxo hubeysan oo iska soo horjeeda.
Mr. Kenyatta ayaa xusay in dagaalka oo la soo afjaro ay dardargelin karto geeddisocodka siyaasadeed ee Congo.
Madaxweynaha ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in colaadda ay si gaar ah khatar u gelinaysa dadaallada siyaasadeed ee lagu doonayo in wadankaasi lagu nabadeeyo.
Waxaa bayaanka madaxweynaha qayb ka ah inuu aad uga walacsan yahay iskudhacyada ka soo cusboonaaday DRC oo uu ku tilmaamay kuwo wiiqaya dhaqangelinta qorshayaasha nabadeed ee madaxda gobolka.
Mr. Kenyatta ayaa dhammaan kooxaha hubeysan ugu baaqay inay hubka dhigaan si iyadoo aynan shuruudo jirin loo wada hadlo.
Waxaa uu sidoo kale amray in la howlgeliyo ciidamada gobolka ee bariga Afrika oo isugu jiro boolis iyo militari.
Statement by His Excellency Hon. Uhuru Kenyatta, CGH, President of the Republic of Kenya🇰🇪, on the security situation in the Eastern Democratic Republic of Congo🇨🇩.
Read more: https://t.co/LPNgh4UUgf
— State House Kenya (@StateHouseKenya) June 15, 2022