Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa shalay isku soo bax siyaasadeed ku qabtay ismaamulka Makueni.
Waxaa uu musharraxa madaxweyne ee Kenya Kwanza ahna madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ku eedeyay inuu xilli hore dareemay in loogaga adkaan doono doorashada madaxtinnimo ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Raila ayaa waxba kama jiraan ku sheegay eedeyn uu horay Ruto ugu jeediyay guddiga doorashooyinka ee IEBC oo ahayd in la waayay macluumaadka ku dhawaad hal milyan oo codbixiyeyaal ah.
William Ruto oo isna tagay Imara Daima ayaa dhankiisa Odinga ku eedeyay inuusan tixgelin ganacsiyada yaryar ayaa ballanqaaday in maamulkiisa uu ganacsatadan ku taageeri doono 50 bilyan oo shilin.