Aabe lagu magacaabo Cumar Cawad Cali oo ka mid ah qaxootiga soomaaliyeed ee ku sugan dalka Uganda oo noogu yimid xarunta idaacadda Star Fm ee magaalada Nairobi ayaa inoo sheegay inuu wiil uu dhalay ka xanuunsan yahay kaas oo u baahan qalliin culus oo dalka dibaddiisa ah.
Waxaa uu Cumar bulshada muslimiinta ee warbaahinta Star ku xiran iyo inta ay sii gaarsiin karaanba ka codsanaya inay ka caawiyaan kharashaadka ku baxaya qalliinka wiilkiisa maadaama uunan awoodin.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in wiilka yar horay qalliin loogu sameeyay dalka Turkiga isagoo intaasi ku daray in dhibaatada ugu wayn ee haysata canugga ay tahay inuunan ceshan karin kaadida iyo saxarada.
Si loo caawiyo aabaha aad codkiisa dhageysateen ee uu wiilka yar ka xanuunsan yahay waxaa lagala xiriiri karaa taleefoonka nambarkiisu yahay +254723337607